read more »">
Calendar

Madaxweyne Shariif oo dhaleeceeyay Islaamiyiinta.

shariif-minneapolis1Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo shala dib ugu noqday magaalada Muqdsiho ayaa dhaleeceen dusha uga riday Xoogaga ku kacsan Siyaasada Dowladiisa.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah Shariif Sheekh Axmed waxa uu sheegay in dhibaata xoogan lagu qabo Kooxaha Mucaaradka ah ooxilli waliba dhibaata ku haya dadka shacabka ah ee dhibaatada ay haysato.

Madaxweynaha waxa uu ku tilmaamay kooxaha Alshababa iyo Xizbul Islama kuwa nabada u diidan rayid islamarkana xilli waliba ay doonayaan dagaalka ay ku la’anayaan dadka ku dhaqan magaalada caasimada ah.

“Waa muhiim in laga taqaluso kuwa nabada diidan taasina waxa ay ku imaan karaysaa in la is kaashado ….ma ku eeganayno shacabkeena dhibaatada ay ku hayan kooxaha nabada diidan…” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ugu danbayntii waxa uu balan ku qaaday in shacabka laga dulqaadayo dhibaatada ay masuulka ka yihiin kooxaha nabada u diidan soomalaiya ee dagaalka kula jira Dowlada Iyo Amisom.

Madaxweyne Shariif waxa uu beesha Caalamka ugu baaqay in ay gacan ka geystaan nabada dalka iyo la dagaalanka Kooxaha Nabada u diidan Dalka Soomaaliya kuwaasi oo dhibaata badan shacabka gaarsiiyay.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

[email protected]

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: