Madaxweyne Shariif oo dalka ka dhoofay xilli la filayay magacaabida Ra’iisul Wasaaraha.
Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa safar deg deg ah dalka uga ambabaxay ka dib markii uu maanta la shiray Mudanayaasha Baarlamanka Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif oo aanay cidi la socon marka laga reebo qaar ka mida Xoghaynadiisa ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Ee Magaalada Muqdisho isagoo klu wajahnaa Magaalada Nairobi.
Shariif ayaa socdaalkiisa la ogaaday isagoo ku sugan garoonaka Muqdisho waxaana uu magaalada ka dhoofay iyadoo dagaal xoog badan uu ka holcayay xaafado ka mida Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho .
Madaxweynaha waxuu dhanka kale la shiray mudanayaasha Baarlamanka iyo qaar ka mida dadka siyaasadiisa la dhacsan ee Xukumada raacsan sida Odayaasha dhaqanka Beelaha Dagan Caasimada Muqdisho.
Madaxweynaha waxa uu la tashanayay Xildhibaanada isagoo u sheegayay dhamaan in xilka Ra’iisul Wasaaraha uu ku magacaabayo qaab ka baxsan qabiilka taasi oo Xildhibaano badan walaac ka muujiyeen.
Hadaba lama garanayo ujeedada uu Shariif ugu dhoofay Magaalada Nairobi waxaana la sheegayaa in uu ka dagay Garoonka Juma Kenyatta isagoo la filayo in uu wada tashi u raadsado xubno danaynaya xaalada soomaaliya oo ay Beesha Caalamka ugu horayso.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments