Madaxweyne Shariif oo booqday Furumaha dagaalka
(Muqdisho, Bartamaha)… Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta booqday goobihii dhawaan ciidamada Dowladdu ay ka qabsadeen maleeshiyaadka Shabaab ee magaalada Muqdisho.
Mudane Sheekh Shariif ayaa kormeeray Kuliyadda Jaalle Siyaad iyo goobo ka mid ah degmada Deyniile oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM.
Saraakiisha Ciidamada ayaa warbixin siiyay madaxweynaha oo socdaal ku maray dhul dheer oo ay ciidamadu difaac uga jireen, wuxuuna salaan ka qaatay qaar ka mid ah ciidamada.
Hadal uu Radio Muqdisho siiyay ayuu madaxweynuhu ciidanka ugu hambalyeeyay guusha ay gaareen, wuxuuna ku tilmaamay mid bilow ah, isagoo ciidamada ku boorriyay in ay sii wadaan howl gallada ay maleeshiyaadka Shabaab dalka uga xoreynayaan.
Waa markii ugu horreysay oo uu Madaxweynuhu booqdo goobihii ay dhawaan ciidamada Dowladdu la wareegeen ee waddada Warshadaha ee magaalada Muqdisho, arrintaan ayaana dhiirri gelin u ah ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Shabaab.
Comments
comments