Madaxweyne Shariif oo balan qaaday in ay Shacabka ugu gargaarayaan Sugida Ammaanka.
Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa shaaca ka qaaday in shacabka ay gargaar ahaan ugu samaynayaan ka dulqaadida Kooxaha ammaan darada ka wada Dalka.
Madaxweynaha Dowlada KMG ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shaaca ka qaaday in uu dhawaan shacabka soomaaliyeed ugu gargaarayo ka saarida Kooxaha ammaanka wax u dhimaya guud ahaan dalka.
Madaxweynaha oo shirjaraa’id ku qabtay Villa Somalia ayaa saxaafada ay weydiisay waxa uu ugu gargaarayo shacabka dhibanayaasha ah ee Muqdisho isagoo sheegay in ay gacan weyn ku siinayaan Bulshada ka dulqaadida Kooxaha ammaanka wax u dhimay.
Sheekh Shariif ayaa sheegay in Dagaalada Muqdisho dadka lagu barakaciyay ay soo laaban doonaan maalmaha fooda nagu soo haya marka Muqdisho laga sifeeyo Kooxaha qaska ka wada Dalka.
Dhanka kale Madaxweynaha ayaa waxa uu u balan qaaday Ciidamada Asluubta in uu wax ka qaban doono dhibaatada ay ka cabanayaan taasi oo uu sheegay in Dowlada ay ka warqabto.
Ciidamada Asluubta ayaa waxa ay ka canabanayeen dhibaato xagga nolosha ah iyo dhismayaasha ay daganaayeen oo burbur xoogan uu soo gaaray taasi oo uu Madaxweynaha balan qaaday in ay wax ka qabanayaan.
Balan qaadka Madaxweynaha uu shacabka u fidiyay ayaa imaanaya xilli Dowladiisa lagu Eedeeyo in ay xasuuq geysato xiliga weerarka ay ku soo qaadaan Islaamiyiinta Mucaaradka iyagoo duqeeya goobaha ay shacabka ku badanyihiin.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments