Madaxweyne Shariif oo ay soo gaareen fariimo hanbalayadda Maalinta 21-October.
Bartamaha(Muqdisho):-Xafiiska Madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa la sheegay in la soo gaarsiiyay qoraalo hanbalya ah oo ka kala timid dalal daneeya arimaha Dalka Soomaaliya.
Qoraalada oo ka kala yimid dalalka Qadar,Saudi Arabia iyo Masar ayaa la sheegay in Madaxweyne Shariif looga dalbanayay in uu raaco wadadii madaxweynihii xilka qabsaday 21-October Sanadii 1969 –kii.
Sida uu Saxaafada u sheegay sargaal xagga warfaafinta Madaxtooyada u qaabilsan waxaa hanbalyadaasi gudoomay madaxweynaha oo u jawaab celiyay madaxda Dalalkaasi isagoo shacabka daganaansho ugu baaqay.
Maanta ma jirin wax xus ah oo loo sameeyay Munaasabadaasi oo xiliyadii hore si guud Caasimada iyo dalka oo idil looga dareemi jiray wallow dadka badankiis uu iska iloobay dhacdadaasi.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments