Calendar

Madaxweyne Shariif oo Addis Ababa u boqoolay iyo kulamo uu la yeeshay madax sare (Sawiro)

President (1)Bartamaha (Muqdisho):- Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia halkaasi oo uu madax sare ku qaabilayo.

Xafiiska Madaxweynaha ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayay arinka socdaalka madaxweynaha Dowlada Soomaaliya oo haatan jooga Addis aabba ka dib markii uu safar deg deg ah uga duulay dalka isaga oo u dhaqaaqay dhanka Magaalada Addis aababa oo shir muhiim ah ka socanayo.

War Saxaafadeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa manta ka ambabaxay Magaaladda Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Magaaladda Addis Ababa halkaas oo ay ugu qeyb galaaayaa shirka Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Maaliyadda  iyo Lacagta Mudane Xuseen Xalane  iyo Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare Mudane Cabdinuur Sheikh Maxamed   iyo saraakiil ka socota xafiiska Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa lafilayaa in uu shirka ka jeedin doono qudbad taas oo uga hadli doona xaaladdaha dalka Soomaaliya qaasatan dhanka amaanka, abaaraha iyo siyaasadda dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shir kale oo ka dhici doona Adis Ababa kaas oo looga hadli doona Arrimaha Soomaaliya. Shirkaas ayaa waxaa soo qabanqaabisay Qaramada midoobay, iyadoo si gaar ah loogu lafaguri doona xaaladda  amaanka ee dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa usbuucaan waxuu ka soo laabtay safar uu ku tagay dalka Ugandha isgoo halkaasi kulan kula yeeshay dhigiisa dalka Ugandha Madaxweyne Yuweri Musveni.

Labada Madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen Arrimaha Amaanka, iyo ciidamo Soomaliyeed oo mar dhaw tababar loogu soo xeri doono dalka Uganda. Labada Madaxweyne ayaa waxay isku afgarteen sidii loo soo afjari lahaa kooxda argagixisada ee Al-Shabaab sida ugu dhaqsaha badan.

Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdisho, Villa Soomaaliya

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: