Madaxweyne Shariif iyo Yoweri Museveni oo Telfoon ku wada hadlay.
Bartamaha (Kampala):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo dhigiisa wadanka Ugandha ayaa xalay ku wada hadlay qadka Telfonka.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Yoweri Kaguta Museveni ayaa Xalay ka sheekaystay Xaalada soomaalida dagan Kampala iyo dhibaatada ay agaasimeen Alshabaab ee lagu waxyeeleeyay shacabka Ugandha.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa ka codsaday Madaxweynaha Ugandha in la badbaadiyo Qaxootiga Soomaalida ee Magaalada Kampala.
Madaxweynaha ayaa ka codsaday in aan soomaalida loo waxyeelayn dhibaatada ay sameeyeen Maleeshiyada Alshabaab oo sheegatay qaraxyadii ka dhacay Kampala.
Yoweri Kaguta Museveni ayaa dhankiisa balan qaad u sameeyay Shariif Sheekh Axmed sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta warfaafinta Dowlada.
Shariif ayaa waxaa soo wajahay baqdin uu ka qabay waxyeela ba’an oo soo gaarta ganacsatada,Qaxootiga iyo ardayda soomaaliyeed eek u sugan Dalkaasi Ugandha.
Dowlada Ugandha oo ah Dowlada ugu soo dhaweynta badan soomaalida marka loo eego galitaanka dalkaasi iyo Nolosha ay ku haystaan soomaalida gudaha Magaalooyinka ayaa habeen ka hor waxaa gaaray qasaara ba’an taasi oo ay sheegatay Kooxda Alshabaab.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Nairobi –Kenya.
Comments
comments