Madaxweyne Shariif iyo Xusni Mubaarak oo kulmaya.
Bartamaha (Qaahira):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah iyo dhigiisa Dalka Masar ayaa maanta yeelanaya kulan balaaran oo ay uga arinsanayaan Xaalada Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo dib u bilaabay socdaaladisii uu caanka ku ahaa ayaa haatan ku sugan magaalada Qaahira Ee Dalka Masar isagoo maanta la balansan Madaxweynaha Masar Xusni Mubaarak.
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa shalay kulan kula qaatay Nairobi masuuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka isagoo Xalay gaaray Qaahira.
Kulanka maanta dhexmaraya Shariif iyo Mubaarak ayaa lagu wada ain ay uga wada arinsadaan xaalada sii xumaanaysa ee Dalka Soomaaliya.
Dowlada Masar ayaa horay u samaysan balan qaadyo kala duwan oo dhanka ammaanka ah iyadoo sheegtay in tababar ay siin doonto Ciidanka Booliiska Dowlada wallow aan la ogayn balan qaadkaasi halkii uu ku danbeeyay.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.
Comments
comments