Madaxweyne Shariif iyo wafdi la socda oo garay Magaalada Addis-Ababa Ee Dalka Ethiopia.
Bartamaha (Addis-Ababa) Madaxweynaha  Dowlada KMG Ee Soomaaliya iyo wafdi la socda ayaa xalay gaaray Magaalada Adis-Ababa Ee Dalka Ethiopia halkaasi oo la filayo in uu kulamo kula yeesho Madaxda Dalkaasi.
Madaxweyne Shariif oo ka soo boqoolay dhanka Nairobi ayaa waxa uu gaaray fiidinimadii xalay Magaalada Addis-Ababa halkaasi oo lagu wado in uu kulan kula yeesho Meles Zanawi.
Madaxweyne Shariif iyo Wafdiga la socda ayaa waxaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda uu kulan la yeesho Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Meles Zanawi iyadoo arima badan la filayo in ay ka wada hadlaan.
Socdaalka Madaxweyne Shariif ayaa waxa uu imaanayaa xilli Magaalada Muqdisho Dowlada ay kula dagaalamayso Islaamiyiinta oo kaabiga ku haya Madaxtooyada wallow xiligii Itoobiya Ciidamadeeda ay joogeen awooda Dowlada ay sedan ka duwanayd.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments