Madaxweyne kuxigeenka Kenya oo maanta hortagaya Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC
Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto ayaa maanta hortagaya Maxkamada dambiyada dagaalka ee The Hague, halkaasoo uu kaga jawaabi doono dacwado loo heysto oo ku aadan rabshadihii ka dhashay doorashooyinkii la isku khilaafay ee sanadkii 2007-dii ka dhacay dalka kenya.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo kuxigeenkiisa William Ruto ayaa labadaba loo heystaa eedeymo la xiriira dilkii dad ka badan kun ruux iyo barakaca ilaa lix kun oo ka dambeeyay rabshadihii doorashadii Madaxtinimada Kenya ee sanadkii 2007-dii.
Wararka ayaa sheegaya in dacwada Madaxweyne kuxigeenka Kenya William Ruto oo maanta bisha tahay 10-bilaabaneysa la soo hordhigi doono eedeymaha ku aadan dilka, barakaca iyo dhaawaca dadki rayidka ahaa, waxaana sidoo kale maanta Maxkamada hortagaya Wariye Kenyan ah.
Dacwada maanta ka bilaaban doonta Maxkamada ICC ayaa ku soo aadeysa, iyadoo dhowaan Baarlamaanka Kenya u codeeyay, inay isaga baxaan xubinimada Maxkamada, iyadoo Afhayeen u hadlay Maxkamada uu sheegay in go’aankaas aanay saameyn ku yeelan doono dacwada loo heysto Madaxweynaha Kenya iyo kuxigeenkiisa.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in bisha November uu hortago Maxkamada dambiyada dagaalka ee ICC, isagoo ka dalbaday maxkamada in aan isku mar Maxkamada looga yeerin isaga iyo kuxigeenkiisa, maadaama aanay dalka mar qudha ka wada maqnaan karin.
Waxaa isha lagu hayaa Maxkamada maanta la saarayo Madaxweyne kuxigeenka Kenya iyo sida uu uga jawaabi doono eedeymaha loo heysta, iyadoo dadweynaha reer Kenya ay si gaar ah u war dhowrayaan.
Comments
comments