Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo wali jooga magaalada taariikhiga ah ee Taleex
Waxaa wali degmada Taleex ee gobolka Sool ku sugan wefdi uu horkacayo madaxweyne ku-xigeenka Puntland, islamarkaana ay qayb ka yihiin xubno ka tirsan golayaasha wasiirrada iyo baarlamaanka ee Puntland.
Waxayna warar ay Bartamaha ka heshay deegaanka Taleex ay sheegayaan inaysan jirin xiisad wayn oo halkaas ka taagan, kadib markii booqashada C/samad ay ku kala qaybsameen hogaamiyayaasha maamulka Khaatumo oo u kala jabay kuwo taageeray iyo kuwo kasoo horjeeda.
Odayaasha dhaqanka ayaa la sheegayaa inay baajiyeen gacan ka hadal laga baqayay inuu halkaas ku dhexmaro ciidamo si aad ah u hubaysan oo galbinaya C/samad Cali Shire iyo ciidamo deegaanka ah oo ka gadoodsan booqashadiisa isla markaana daacad u ah maamulka Khaatumo ee deegaanadaas gacanta ku haya.
Somaliland ayaa iyaduna cambaaraysay booqashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo ku tilmaantay inay tahay daandaansi.
Comments
comments