Calendar

Madaxweyne Geelle (Jabuuti) ayaa mar 3aad la doortay

IsmailOmarGelleSaraakiil ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Djibouti waxay sheegeen in iyadoo haatan la tiriyay inta badan codadkii la dhiibtay uu madaxweyne Gelle aqlabiyad aad u ballaaran ku guulaystay doorashadii madaxtinimada ee shalay dalkaas ka dhacday, taasoo gaaraysa 76% tirada codadka, halka ninka keliya ee la tartamayay oo ah Maxamed Warsame Raage uu ka helay qiyaastii 23% codadka.

Kooxaha xuquuqda aadanaha waxay ku eedeeyeen dowladda madaxweyne Geelle inay xoog ku muquunisay siyaasiyiinta mucaaradka iyo dibadbaxyo dhacay toddobaadyo kahor doorashada.

Djibouti waa dalka keliya ee qaaradda Afrika ee Maraykanku uu saldhig milateri ku leeyahay.

___

BBC SOMALI

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: