Calendar

Madaxweyne Faroole oo qiray in Alshabaab ay joogaan Puntland.

farooleBartamaha (Garoowe):- Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland ayaa qiray in Alshabaab ay joogaan deegaanada Puntland dhibaatana ay ka wadeen dhawaanahan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Madaxweyne C/raxmaan Sheekh Maxamuud Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa daaha ka qaaday in Maleeshiyaadka shabaab ay dhaqdhaqaaq ammaan dara ah ka wadeen dhawaanahan Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo raaf ay ka sameeyeen Ciidanka Ammaanka.

Madaxweyne Faroole waxa uu cadeeyuay in amaan darada ay ka danbeeyeen Kooxda shabaab oo dil iyo qaraxyo ka samaynaysay Magaalooyinka Nabada ahaa ee Puntland iyagoo dhibaatada kala yimid deegaanada Koonfurta Dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha waxa uu sidoo kale Cadeeyay in Wadadaadka ku jira dhulka Buuralayda ah ee loo yaqaano Sheekh Atam uu masuul ka yahay ammaan darada islamarkaana uu keenay Puntland kooxda shabaab oo hadda dilal caada ka dhigatay gudaha Boosaaso iyo deegaano kale.

Madaxweynaha waxa uu xusay in Shabaabka xiliyada ay amaan darada samaynayaan ay soo xertaan dharka Haweenka oo kale taasi oo muujinaysa dhibaatada ay ka wadaan gudaha Deegaanada Puntland oo amaan ahaan ka mid ahaan jiray dhulka la isku halayn karo ee Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa yimid ka dib markii Labadii Cisho ee la soo dhaafay Howlgalo raaf ah ay wadeen Ciidamada ammaanka kuwaasi oo dad badan ka qabqabtay magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: