Calendar

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Sudan oo ka wada hadlay horumarka Soomaaliya

Al.BashiirMadaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa kullan kulla qaatay dhiggiisa dalka Sudan magaalada Khartuum iyadoo ay labada madaxweyne ay ka wada hadleen horumarinta xiriika laba dalka iyo sidii loo kordhin lahaa gurmad ay hellayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sariirka Soomaaliya u joogga dalka Sudan mudane Ibraahim Guure Maxamed oo la hadlay Radio Muqdisho isaga oo ku sugan magaalada Khartuum ayaa sheegay in kullan laba madaxweyne looga hadlay xiriirka labada dowladdood iyo hormarka adeegyada shacabka ay u baahan yihiin sidii loo kordhin lahaa.

Sidoo kale waxa uu sheegay safiirka in madaxda ay ka wada hadleen in lasii laba jibaarro gargaarka ay u baahin yihiin ummada Soomaaliyeed oo qaar ka mid ah ay sameyn adag ku yeesheen abaaraha ku dhuftay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Mudane Ibraahim Guure Maxamed ayaa sheegay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Sudan uu ballan qaaday in uu kaalin weyn ka qaadanayo dhammaan caawimaada shacabka Soomaaliyeed loo sameynayo.

Waxa uu tilmaamay in kullan madaxweynayaasha uu ku sii biiray wasii dowlaha madaxtooyada Sudan iyo masuuliyiin kale oo reer Sudan ah.

Safiirka Soomaaliya ee Sudan ayaa hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu si weyn u soo dhaweeyay ballan qaadka ay dowladda Sudan u sameysay dowladda Soomaaliyeed.

___

RM

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: