Calendar

Madaxweynayaasha Afrika oo kulankooda soo afmeeray iyadoo aanay jirin wax natiija ah oo kulankaasi ka soo baxay.

congresss
Bartamaha (Tripoli) 
Shirkii Madaxweynayaasha Wadamada Afrika ayaa laga soo gabagabeeyay Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya halkaasi oo shalay galinkii danbe uu ka furmay kulankaasi .

Madaxweynayaasha 43-Wadan oo ku yaala qaarada Afrika oo kulankaasi badankod ka soo qeybgalay ayaa la xaqiijiyay in ay kaga hadleen arimaha Wadamada Soomaaliya,Dalka Suudaan iyo wadamada Harooyinka .

Madaxweynaha Dalka Liibiya ahna hogaamiyaha wadamada Afrika oo halkaasi khudbadii furitaanka ka jeediyay ayaa waxa uu sheegay in loo baahanyahay in wax badan laga badalo xaalada Dagaalada ka socda Dalka Soomaaliya ,Suudaan iyo Wadamada la isku yiraahdo “the great Lakes’’.

Madaxda Wadamada Afrika qaar ka mida oo kulankaasi hadalo ka soo jeediyay ayaa waxa ay sheegeen in loo baahanyahay in dalalka Afrika xaaladooda Musuqmaasuqa wax laga qabto maadaama ay dagaalada sabab u noqonkaraan in ay sii daba dheeraadaan.

Kulanka Madaxda Afrika ayaa la soo afjaray iyadoo aanay jirin wax natiija la taabar karo oo ka soo baxay iyadoo la sheegay in madaxda Afrika ay baaq daganaan ku baaqaya ay u direen wadadamada Xasaradaha ay ka jiraan.

Xafsiika Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: