Calendar

Madaxweynaha Yaman oo Maraykanka ugu baaqay in ay taageeraan Dowlada Soomaaliya ka dib kulan uu la qaatay sargaal sare oo Maraykan ah.

pre-salehBartamaha(Sanca):-Madaxweynaha Dowlada Yaman Cali Cabdalla Saalax oo dowlada Maraykanka ka codsaday taageera dag-dag ah oo ay siiyaan dowlada Soomaaliya .

Ka dib kulan ay qaateen Madaxweynaha Dalka Yaman iyo Sargaalka taliyaha u ah Ciidamada Maraykanka Ee bariga Dhexe General David Petraeus ayaa madaxweynaha Yaman waxa uu Taliskaasi ka dalbaday in uu taageera siiyo dowlada soomaaliya.

Madaxweynaha Yaman Cali Cabadalla Saalax ayaa sheegay in dowlada soomaaliya ay xiligan u baahantahay taageero xagga Militariga isagoo ka dalbaday Dowlada Wadanka Maraykanka ay xil iska saarto dhibaatada ka taagan dalka soomaaliya.

Madaxweyne Saalax ayaa sheegay in dowladiisu ay si xoogan u adkeysay taageerida dowlada soomaaliya islamar’ahaantaana ay ka taakulayso soomaaliya dhanka Tababarka Ciidamada Iyo dhanka dhaqalaha.

Labada Masuul Ee Yaman iyo Maraykanka ayaa isku afgartay in la taageero dowlada soomaaliya lagana caawiyo dhanka Militariga iyadoo uu si gaar ah Cali Cabdalla Saalax uu ugu baaqay maraykanka taageerida dowlada soomaaliya.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: