Madaxweynaha Ugandha oo ku baaqay in iskaashi laga yeesho la dagaalanka Al-qaacidada Soomaaliya.
Bartamaha (New-York) Madaxweynaha Dowlada Ugandha ayaa ka deyriyay Xaalada Amaanka dalka soomaaliya isagoo ku baaqay in la iska kaashado la dagaalanka Islaamiyiinta Soomaaliya.
Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni ayaa sheegay in xiligan dhibaato xoogan ay ka taagantahay dalka soomalaiya islamarkaana ay soo kordheen Koxda Al-qaacida.
Madaxweyne Musaveni ayaa sheegay in kooxda Alshabaab ay soomaaliya keeneen kooxo dhimasho doon ah islamarkaana dalkooda dhibaato ka soo geystay isagoo sheegay in ay isqarxinta ka danbeysto kooxda Al-qaacida.
Madaxweynaha Ugandha Yuweri Musaveni oo xiligan ka qeybgalaya kulanka Qaramada Midoobe Ee New York ayaa Caalamka ugu baaqay in ay iskaashi la yeeshaan Amisom si meel looga soo wada jeesto Kooxda Al-Qaacida ee gudaha Soomaaliya soo dagtay.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments