Madaxweynaha Soomaliya ” Dadka wararka been abuurka ah faafiyay waxay la shaqeeyaan Al-shabaab “
Muqdisho _ Madaxweynaha Dowlada Soomaliya Xasan shiikh Maxamuud ayaa kahadlay warar been abuur ah oo laga faafiyay xaaladiisa Caafimaad.
Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in xaaladiisa caafimaad ay tahay mid aad uwanaagsan, waxaana uu xusay in wararka been abuurka ah ee lagu khal khalka gelinayo xaaladisa caafimaad ay ka dameeyeen dad xiriir laleh Al-shabaab sida uu hadlka uyiri.
“Waxaa cadowga umadda Soomaaliyeed ah dadka warka been abuurka ah faafiyay, shacabka waxaan u sheegayaa in dadka wararkaasi ka dambeeya ay yihiin shaqsiyaad u adeega argagixisada Al-Shabaab” ayuu yiri Madaxweynha oo lahadlayay war baahinta dowlada.
Xasan shiikh Maxamuud ayaa Hay’addaha amniga ee dowlada usoo jeediyay inay baaritaan ku sameeyaan shakhsiyaadka soo abaabulay warar lagaga been abuurtay xaaladisa caafimaad.
Saaka ayay ahayd markii halmar ay dadka soomaliyeed aad uhadal hayeen warar beena oo sheegaya in uu geeriyoday madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.
www.bartamaha.com
Comments
comments