Madaxweynaha Soomaaliya oo si kulul u cambaareeyay weerarkii lala beegsaday madaxweynaha Jubbaland
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyay weerar duhurnimadii maanta lagu qaaday Kolonyo uu la socday Hogaamiyaha Maamulka KMG ee Jubba Axmed Madoobe, kaasoo ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalada Muqdisho.
War saxaafadeed laga soo saaray Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu ahaa mid lagu bartilmeedsaday shacabka iyo madaxda, isla markaana meel looga soo wada jeesto Shabaab.
“Dowladda Somaaliyeed aad ayey u cambaareyneysaa weerarka lagu beegsaday kolonyadii Sheekh Axmed Madoobe, waxaan leeyahay shacabka goboladda Jubooyinka si wada-jira meel ha oga soo wada jeestaan, dhagar-qabayaashu bartilmaameydsanaya shacabka iyo Madaxda. Alaaah ha u naxariisto intii dhimaatay, caafimaad deg deg ah ayaan u rajeenaynaa Insha Allaah dhamaan intii ay wax ku gaareen”ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Jubbooyinka iyo madaxdooduba lagu bartilmaamsado sida goboladoodu ay uga xorreeyeen Al Shabaab, sida lagu yiri war saxaafadeedka.
“Naf-lacaariga iyo sii dhabar go’an kooxdan, waxaa jab ku sii noqday is-fahamka Umadda Soomaaliyeed”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Comments
comments