Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay inuu aad uga xunyahay weerarkii lagu qaaday safaarada Turkiga

Madaxweynaha London - 7Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay inuu aad uga xunyahay weerarka lagu qaaday safaarada Turkiga ee magaalada Muqdisho. Xassan Sheekh ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkaas oo ku tilmaamay inuu ahaa mid fulaynimo ah.

“Waxaan si naxariis leh Alle uga baryaa inuu caafimaad deg deg ah siiyo dadka ku dhaawacmay qaraxaas,waxaan sidoo kale tacsi u dirayaa qoysaska ay eheladoodu ku nafwaayeen”ayuu yiri madaxweyne Xasan Sh Maxamuud.

” Mawaadiniin badan oo Turki ah ayaa Soomaaliya u yimid sidii ay u caawin lahaayeen shacabka Soomaaliyeed,waxayna na tuseen sida ay uga go’an tahay taageeradooda iyo hogaamintooda wanaagsan,dadka Soomaaliyeed abaal weyn ayey uga hayaan dadaalkooda aan kala joogsiga lahayn ee 2dii sano ee lasoo dhaafay ay dalka ka wadeen”ayuu hadalkiisa kusii daray madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa markale yiri”Waxaan Cambaareynayaa ficilkan danbi ee argagixisanimada ah,dowladeyda iyo ciidamada amnigu waxay samayn doonaan wax walba si ay usoo qabtaan kuwii soo qorsheeyey iskuna soo dubariday weerarkan”

“Waa inaan u midownaa ka hortagga kuwa doonaya iney qaranka burburiyaan,iyada oo ay ina geesinima galineyso taageerada saaxiibadeen,waana inaan laba jibaarnaa dadaaladeena aan ku dooneyno inaan Soomaaliya nabad ugu soo celino”ayaa lagu yiri warsaxaafadeed kasoo baxay madaxtooyada.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: