Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in dawlada ay ka noqotay go’aankii dadka looga saarayay dhismayaasha dawlada

president-hassan-mohamud_largeMadaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Max’ud ayaa sheegay in dowladda ay ka laabtay Go’aan uu sheegay in uu ahaa Mid qaldan oo Dhismooyinka dowladda Looga saarayo dadka Shacabka  ah.

Xasan Sheekh Max’ud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in kaliya laga bixinayo Shacabka Dhismooyinka ay ku shaqeyneyso Dowladda  Soomaaliya balse aanu ku jirin kuwa iminkadaan aan loo baahneen.

“Dib ayaan uga noqonay Go’aankii qaldanaa ee ka saarista Dhulka dowladda Shacabka” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Max’ud.

Dhawaanahaan ayaa waxaa Cabasho Xoogan ay ka soo yeereysay dadka Shacabka ah ee Degan Dhismooyinkii Dowladda kuwaasi oo lagu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan ay isaga guuraan.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: