read more »">
Calendar

Madaxweynaha Soomaaliya oo saakay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli howl galo ka socdaan

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, iyadoo dib u soo laabashada Madaxweynaha ay ku soo beegantay wadooyin halbowle u ahaa isu socodka xaafadaha magaalada oo ahaa la xiray, kadib howl galo ka bilowday xaafadaha.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si diiran loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana mas’uuliyiinta soo dhoweeyay ka mid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha ayaa magaalada New York kaga qeyb galay shirkii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, waxaa uu magaalada Washington kula kulmay Xoghayaha Arrimaha dibada Mareykanka, Xoghayaha difaaca iyo Senataro.  Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kula kulmay OHIO Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan halkaas, isagoo khudbad ka jeediyay Jaamacada Ohio State University.  Madaxweynaha ayaa 16-kii bishan September ka qeyb galay shirkii New Deal ee lagu soo gaba gabeeyay magaalada Brussels, iyadoo dowladda Soomaaliya loogu deeqay lacag ka badan labo bilyan oo doolar.  Safarka Madaxweynaha ayaa ahaa kii ugu dheeraa ee uu ku tago dalalka Talyaaniga, Belgium iyo Mareykanka, waxaana dib ugu soo laabashadiisa Muqdisho ku soo beegmeysa, iyadoo Al-Shabaab ay sheegatay weerar Sabtidii hore lagu qaaday Rugta Ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: