Madaxweynaha Soomaaliya oo kulan la qaatay odayaasha dhaqanka
Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wixii Xamar ka jooga odayaashii beelaha soomaaliyeed ee soo xulay baarlamaanka haatan jira.
Kulankan oo ay yimaadeen qaar kamid ah odayaashu ayaa madaxweynaha Soomaaliya uu ku tilmaamay inay yihiin mid kamid tiirarka dawladnimada Soomaaliya, taladoodana aan laga maarmin.
“Cabashooyinkii waan dhagaysanaynaa, waxaanad ogaataan inaan dawladnimada Soomaaliya looga maarmintalooyinkiina.
Qaar kamid ah odayaashii kulankaas ka hadlay ayaa dhaleeceeyay sida ay dawladu isaga indhatirtay doorka odayaasha, iyagoo tilmaamay in dawladu ay ku guul darraysatay dhinacyo badan oo hagaagi lahaa hadii odayaasha talada wax looga dari lahaa.
Ugu dambayna madaxweyne Xassan Sheekh ayaa odayaasha dhaliilahooda soo dhaweeyay waxaana uu iska difaacay hadal ahaa inaysan dawladu intii ay jirtay wax qaban, isagoo sheegay in madaxda qaranku ay habayn iyo maalinba u taaganyihiin sidii qaranimada Soomaaliya loo hagaajin lahaa.
Comments
comments