Madaxweynaha Soomaaliya oo ku ammaanay Dawlada Turkiga heeshiisiinta Dawlada dhexe iyo maamulka Soomaaliland
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxmuud ayaa waxa uu ku aamanay doorka dowlada Turkiga ay ka ciyaarayso sidii Nabad looogu dhamayn lahaa Khilaafka mudo dheer soo jiitamayay ee u dhaxeeya Soomaliya iyo Maamulka Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxa uu hadalkaasi jeediayay Mar uu khudbad ka jeedinayay kulan ka dhacay Magaalada Washiton DC ee dalka Maraykanka, waxa uuna sidoo kaleMadaxweynuhu soo hadal qaaday Isbadalada xaga Amniga iyo dhaqaalaha iyo Xiriirka wanaagsan ee dowladiisu la leedahay Wadamada Caalamka.
Madaxweynaha dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in dowladiisu ay diyaar u tahay in ay sii wado wadahadaladii Nabadeed ee u dhaxeeya dowlada Fedraalka Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliand.
Xasan Sheekh Maxmuud ayaa sheegay in hada Beesha Caalamku ay taageero hiil iyo hooba la garabtaagantahay dadka Soomaaliyeed iyo dowladoodaba.
Hadalka Madaxweynaha ayaa waxa uu imaanayaa xili uu socdaal ku marayo Magaalooyin katirsan dalka Maraykanka, halkaas oo uu kulamana kula qaadanayo Madax sar sare oo nkatirsan Aqalka Congereska Maraykanka.
Comments
comments