Madaxweynaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Shirkii Africa-France.
(Nice, France) Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa galabnimadii Isniinta, May 31, 2010, ka hadlay kulankii Madaxweynayaasha Africa –iyo France ee ka socda magaalada Nice, ee dalkaasi France.
Ugu horrayn, waxa uu Madaxweynuhu uga mahad celiyey bulshada caalamka, gaar ahaan Africa, taageera ay siiyeen dowladda Soomaaliya si loo soo celiyo amniga iyo kala danbaynta; intaa kaddib, Madaxweynuhu waxa uu maddaxdaas warbixin dheer ka siiyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahan dhanka baahida bini ‘aadamka, xagga amniga, dhinaca dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo guud ahaan himilooyinka dowladda iyo culaysyada kala duwan ee haysta DFKM.
Dhanka kale, Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay shirkadaha waaweyn ee France in Soomaaliya ay tahay dal qani ah, oo u baahan dib-u-dhis, lehna khayraad noocyo badan oo dabiici ah oo weliba dihin, kuwaas oo isugu jira, macdan, xoolaha nool, beero, khayraadka badda, gaas dabiici ah iyo shidaal, isaga oo caddeeyey in dadka iyo dowladda Soomaaliyeed ay diyaar u yihiin ciddii gacan ka siinaysa daah furka khayraadkaas, iskaashi iyo hurumarinta dhaqaalaha Soomaaliya isaga oo xusay in shirkii Turkey ee asbuucii hore ay yimaadeen ganacsato Soomaaliyeed oo ku firfircoon ganacsiga.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu ku dheeraaday, in dhibaatooyinka burcadda badda iyo kuwa ay soo dhoofisay Al Qaacidda in ay yihiin, kuwo ka yimid berriga isla markaana baahay markii ay dhexda ka bexeen hay’adihii dowladda ee sugi lahaa amniga, bulshada gaar ahaan kuwii u sahli lahaa dhallinyarada fursad nololeed oo uga wanaagsan burcadnimada iyo u-daggaallanka argagixisada Al Qaacidda.
Madaxweynuhu waxa uu madaxda Africa iyo Madaxweyne Sarkozy ka codsaday in ay sii laban laabaan gacanta ay siinayaan dadka iyo dowladda Soomaaliya.
Sawirro Shirarka halkaan ka daawo
http://www.flickr.com/photos/somalipresidency/
Warfaafinta Madaxtooyada
Email: [email protected]
–
Communications / Warfaafinta
Comments
comments