Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay khatarta weerarada ka imaanaya cadowga
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kadib labo todobaad oo safar dibada ugu maqnaa ayaa ka digay weeraro Al-Shabaab ka yimaada, isagoo is bar bar dhig ku sameeyay weeraradii Muqdisho iyo kii todobaadkii hore ka dhacay Nairobi.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in la sameeyo feejignaan, isla markaana shacabka ay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka si looga hortago weeraro ku soo wajahan.
“Cadawga wali waa nagu soo maqan yahay, aan feejignaano, dadka haka digtoonaado, ciidamadana hala shaqeeyaan”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh oo ugu baaqay shacabka inay sameeyaan isku duubni.
Madaxweynaha oo ka hadlayay weerarkii todobaadkii hore ka dhacay Nairobi ee lagu qaaday Rugta Ganacsiga ee Westgate ayuu sheegay in aanay waxba ka duwaneyn weeraradii hore ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Waxba kuma kala duwana weerarkii Nairobi, midkii ka dhacay Xarunta Maxkamada, Baarka Village, waa inaan sameynaa isku duubni shacabka Soomaaliyeed, hala iska dhaafo xanta iyo far isku fiiqa iyo siyaasad xumada”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Madaxweynaha oo ka hadlayay wixii uga soo qabsoomay shirarkii uu uga soo qeyb galay Belgium iyo Mareykanka ayuu sheegay in Caalamka uu u soo jeestay, isla markaana Soomaaliya uu la jecel yahay inuu wax la qabto.
“Hadii la dhihi jiray caalamka waa kala qeybsan yahay caalamka uma soo jeedo Soomaaliya Caalamka wuxuu noo muujiyay inuu Soomaaliya jecel yahay inay dowlad noqonto inuu taageero u muujiyay, taas waxaa daliil u ah shirkii Brussels in in ku dhow labo bilyan iyo bar doolar in dib u dhis iyo horumar lagu sameeyo Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka inay kala shakiya iyo xanta iska daayaan, taasna ay keeni karto in wax badan dib uga dhacaan iyo in caalamka loo kala dacwoodo, isagoo ku baaqay in laga shaqeeyo horumarka iyo dib u dhiska dalka, si caalamka taageero uga helaan.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhowaan kaga qeyb galay magaalada New York shirkii golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey, isagoo ka jeediyay khudbad taariikhi ah oo uu uga hadlay xaalada dalka iyo waxyaabihii u qabsoomay.
Dib ugu soo laabashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee Caasimada Soomaaliya ayaa ku soo beegantay, iyadoo si aad ah loo adkeeyay ammaanka, waxaana ka hor inta aanu Madaxweynuhu ka soo degin garoonka la xiray wadooyin badan oo muhiim u ahaa isu socodka Xaafadaha Muqdisho.
Comments
comments