Madaxweynaha Soomaaliya oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh ayaa Diyaarad Helicopter ah waxa ay ka soo dajisay Garoonka Adan Cade ee Magaalada Muqdisho taas oo uu kaga soo ambabaxay Deegaanka Ceel Jaale ee Gobolka Sh/hoose oo uu shalay booqasho ku tagay Magaalada marka ee Gobolka Sh/hoose.
Ciidamo Iyo Masuuliyiin kale oo ka mid ahaa Wafdigii Shalay Madaxweynaha ay iskula Safreen Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Sh/hoose ayaa iyana waxa ay ku soo safreen gaadiidkii shaly uu la socday Madaxweynaha.
Intii shalay uu ku sii jeeday Magaalada Marka ayaa lagu weeraray Deegaanka Buufow ee Gobolka Sh/hoose , kaasi oo la sheegay in uu geystay Khasaaro aan la cayimin sida ay sheegteen Al shabaab inkastoo DF ay beenisay in la weeraray gaadiidkii uu la socday Madaxweynaha
Si kastaba Madaxweyanha oo haatan ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa markii uu ka soo degay garoonka waxa uu kulan la qaatay wafdi ka socday Dalka Swedan
Comments
comments