Madaxweynaha soomaaliya oo cafis u fidiyay lix nin oo ajnabi ah iyo diyaaradihi ay wateyn oo lacag ganax laga qaaday.
Waxaa cafiskaas u xaqiijiyay saxaafada gudoomiyaha maxkamada gobalka banaadir Dr xaashi Cilmi nuur ayaa sharaxaad ka bixiyay sii desmada ragaas ajnabiga ah“wuxuu yiri maanta ay Taariikhdu tahay 26 june 2011 waxaa madaxweynaha jamuuriyada soomaaliya uu cafisufidiyay 6dii maxbuus ay xukunaay ay ajnabiga ah sidaa horay ula socoteyn iyo labadii diyaar ay wateyn Galabta 4:30 ayaan siideynay.
Waxaa loo cuskaday qodabo oo dastuuri ah dastuurkaan iyo jaatarkii 1960 ku qoran oo Madaxweynaha u ogalaanaya cidii cafis weydisata ee xukun ku dhacyay inuu ogalaado iyo inuu Diido lakiin madaxweynuhu wuu ka ogalaaday sidaas ayaan ku sii deynay.
6 nin oo ajnabi ah oo horay maxakadda gobolka banaadir ay ugu xukuntay xabsi u dhexeeya 10 Sano ilaa 15 iyo sano laguna ganaaxay lacag gaaraysa $10,000 ilaa iyo $15,000.sii desmada Ragaan ayaa ka danbeysay ka gadaal markii uu madaxweynaha warqad cafis ah u qoray Maxkamada gobalka banaadir.
Dhanka kale dr xaashi wuxuu xusay iney jiraan ganaax lagu soo rogay diyaaradihii shirkada lahaa Oo uu sheegay in diyaarad waliba laga qaaday lacag dhan $50 oo ganaax .
Arintaan ayaa waxa ay imaneysaa xili raga maanta ajnabiga ah ay lasii daayay ay xukuno ku riday Maxkamada gobalka banaadir waxaase shaki ku jirin iney dowlada la wareytay lacagihii sarnaa Diyaaradahaas $3.6 Million. sida sharci darada ah lugu soo edeeyay iney ku soo xadgudbeyn Qaranka soomaaliya balse ay maanta uu cafis u fidiyay madaxweynaha soomaaliya.
Xafiiska wararka bartamaha : muqdisho
Comments
comments