Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Talyaaniga
Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho rasmi ah wuxuu ku tagay dalka Talyaaniga oo muddo labo maalmood ah ku sugnaan doono.
Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kulan rasmi ah la qaato R/wasaaraha Dalka Talyaaniga Enrico Letta, iyo wasiirka arimaha dibada ee Talyaaniga Emma Bonino oo uu casuumaad toos ah ka helay.
Waxaa kaloo la filayaa inta Talyaaniga uu ku suganyahay inuu kulamo la qaato jaaliyada Soomaalida dalkaas oo ah jaaliyadaha ugu horreeyay ee dadka ajaanibta ah ee waddankaas ku nool.
Talyaaniga iyo Soomaaliya ayaa leh calaaqaad soo jireen ah iyadoo Talyaanigu uu gumaystay dhinaca koonfureed ee Soomaaliya taasoo keentay inuu sii socda xiriirka labada dal oo ah mid taariikhi ah.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.