Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Kenya oo Kulan Ku Yeeshay Nairobi
(Muqdisho, Somalia — July 5, 20100 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo shalay safar ku maray magaalada Nairobi, isaga oo ku si jeeda shirka madaxda IGAD ee Addis Ababa, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne ku Xigeenka Kenya Kalonzo Musyoka.
Mudane Kalonzo Musyoka ayaa horkacayey wafdi Kenyaati ah oo Madaxweynaha Soomaaliya ku soo dhaweeyey Airport-ka Joma Kenyatta, halkaas oo ay kulan dheer ku qaateen.
Labada masuul waxa ay isku soo qaadeen, amniga xuduudda labada dal iyo sii xoojinta xiriirka labad waddan ee Soomaaliya iyo Kenya iyo guud ahaan sidii uu shirka IGAD u noqon lahaa mid miro dhala.
Kulankaas, kaddib waxa uu Madaxweynaha Soomaaliya u sii gudbey magaalada Addis Ababa halkaas oo uu saaka warbixin dheer ku siiyey madaxda IGAD oo shir aan caadi ahayn u qabatay sidii loo garab istaagi lahaa dowladda Soomaaliya.
__
Warfaafinta
Comments
comments