Madaxweynaha Shariif Oo shaley Kormeer ku sameeyay Xarunta Golaha Shacabka oo uu ka dhacaayo Shirka Wadatashiga
Muqdisho (www.Bartamaha.com):-Madaxweynaha DKMG ah Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa gelinkii dambe ee shaley waxa uu booqday xarunta golaha shacabja oo lagu qabanaayo Shirka Wadatashiga ee maanta ka furmaya magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ugu horeyn kormeerkiisa waxa uu ku bilaabay xarunta golaha Shacabka ee magaalada Muqdisho halkaasi oo ah xarunta lagu qabanaayo shirka wada tashiga ee maanta la furaya
Madaxweynaha oo ay la socdeen masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa waxa ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan Gollaha Wasiirada oo uu kamid yahay Ra’isulwasaare Ku-Xigeen ahna Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise.
Intii uu Madaxweynuhu ku sugnaa xarunta Gollaha Shacabka ayaa waxa uu warbixinno ka dhagaystay xubnaha ku howlanaa diyaarinta goobta shirka uu ka dhacayo
Dhinaca kale Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kormeer ku tagay Dekedda Muqdisho gaar ahaan dhismaha Somali fruit halkaasi oo ah goobta loo qorsheeyey inay degaan ergada kala duwan ee shirka Wadatashiga kasoo qeybgalaysa.
Madaxweynaha Soomaaliya oo markii kormeerkaasi uusoo gebo gebeeyey kadib Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa sheegay in qabsoomidda shirka Wadatashiga ay sabab u tahay Ammaanka Caasimadda oo ay Dowladdu wax ka qabatay islamarkaana maalinnimada berri ah haduu alle idmo shirka uu sii rasmi ah u furmayo.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments