Calendar

Madaxweyne shariif oo magacaabay guddiga wada hadalka Soomaaliland.iyo soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa magcaabay guddiga wada hadalka Soomaaliland.iyo soomaaliya
Gudiga uu magacaabay Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay ka kooban yihiin todobo xubnood, kuwaas oo uu u xilsaaray inay wada hadal la yeeshaan Maamulka Somaliland.

Madaxweyaha Dowladda KMG Soomaaliya Guddiga uu magacaabay waxaa hogaamin doona oo guddoomiye looga dhigay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda KMG Soomaaliya C/samad Macallin Maxamuud.

Guddiga uu Magacaabay Madaxweyne Shariif waxay kulamo kula qaadan doonaan Magaalada Lodon ee Dalka Ingiriiska guddi uu horay wada hadalka Soomaaliya u magacaabay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo gudigaas oo ah gudi her wasiiro ah.

qarka mid ah odayaasha dhaqanka iyo aqoonyahanada intabada siyaasadda lafa gura ayaa arimahaan soo dhaweeyay wexeyna warbaahinta bartamaha u shegeen iney tilabadaan ay horseeydi karto midowga konfur iyo waqooyi iyo in ay xel dhab ah horseedo.

xafiiska wararka bartamaha muqdisho

[email protected]

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: