Calendar

Madaxweynaha Shariif oo khudbad u jeediyay Ciidamada Badda isagoo balan ku qaaday in ammaanka dalka ay la wareegayaan.

madaxweyne4Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada KMG ah Soomaaliya oo maanta khudbad u jeediyay Ciidamada Badda Dowlada Soomaaliya ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in ammaanka dalka waxlaga badalayo.

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa Ciidamada Badda ku dhiiri galiyay la dagaalanka Burcad Badeead iyo Kooxaha qaska iyo ammaan darada ka wada dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ayaa waxa uu sheegay in ay ka go’antahay wax ka qabashada ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada looga baahanyahay howlgal dalka lagu difaacayo isagoo kuwa badda ka codsaday in ay difaac adag u sameeyaan Badda Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya ayaa ugu danbayn ku baaqay in loo diyaar garoowo howlgal guud oo dalka laga qabanayo si ammaanka badda iyo bariga wax laga badalo.

 

 

 

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: