Madaxweynaha Puntland oo si kulul u weeraray dawlada federaalka ah
Madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland ayaa si kulul u weeraray dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay dastuurka federaalka ah inuu yahay mid wax laga badalay oo ku koobnaan doonto ku dhaqankiisu wax uu ku tilmaamay dawlada goboleedka Xamar.
Faroole ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskii uu la saxiixday Ra’iisul wasaare Saacid xilligii uu booqashada ku joogay Puntland aan waxba laga hirgalin hadda wixii ka dambeeyana aysan jirin wada shaqayn dambe isagoo ku hanjabay in la arki doono cidii cida kale u baahata.
Isagoo Xalay khudbad dheer ka jeediyay xaflad ka dhacday Garoowe oo lagu xusay sannadguuradii 15-aad ee kaasoo wareegatay curashadii Puntland ayuu Faroole sheegay inay wadahadallo u socdaan iyaga iyo Somaliland, waxaana uu sheegay inaysan jirin aqoonsi uu Xassan Sheekh siin karo Somaliland iyadoo Puntland laga tallaabsanayo.
Comments
comments