Calendar

Madaxweynaha Puntland oo kasoo horjeestay heshiiskii Jubbaland iyo dawlada federaalka ah

-Madaxweynaha Puntland ayaa kasoo horjeestay heshiiskii shalay ka dhacay magaalada Addisababa ee xarunta dalka Itoobiya isagoo sheegay in dawlada Muqdisho aysan ogolayn inay maamul goboleedyada awood siiso.

“Waxay rabaan inay isku dhac ka dhex abuuraan dadka Jubbaland, horayna waa u sameeyeen, si ay ugu doodaan habkaani shaqayn mayo oo wuxuu keenayaa inay dadku is laayaan” ayuu yiri.

Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud ayaa ku eedeeyay dawlada dhexe ee Soomaaliya inay is-hortaagtay nidaamka federaaliga ah ee Soomaaliya la doonayo in laga hirgaliyo.

Madaxweyne Faroole oo baryahanba ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay inuu wadi doono qorshaha lagu soo saarayo shidaalka Puntland islamar ahaantaana uusan la qaybsan doonin dawlada federaalka ah dakhliga kasoo gala shidaalka.

Isagoo wareysi siiyay wakaalada wararka ee Reuters ayuu sheegay in Puntland aysan aqbali doonin in dalka dib loogu celiyo nidaam lamid ah kii Maxamed Siyaad Barre sida uu hadalka u dhigay.

“Waxay rabaan in dalka ay ka hirgaliyaan nidaamkii awooda badna oo awooda oo dhan dawlada dhexe gacanteeda ku jirtay, sida kii Siyaad barre oo kale” ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale sheegay inaysan ogolaan doonin in dawlada dhexe shirkad shidaal oo ay heshiis lasoo gashay inay ka hawlgasho deegaannada ay maamulaan.

“Waan ka joojinaynaa inaan dhulkayaga timaado shirkadii heshiis lasoo gasha dawlada federaalka ah” ayuu yiri.

Mar uu ka hadlay doorashada soo socota ee ka dhici doonta Puntland ayuu sheegay inuu doonayay in nidaamka halka cod ah oo ay shacabku codaynayaan inuu hirgaliyo balse ay fashiliyeen dad uu ku tilmaamay inay yihiin siyaasiyiin hore oo saamayn ku leh Puntland.

Waxaana uu sheegay inay u dhici doonto doorashadu qaabkii hore ee odayaasha qabaa’ilku ay soo xulayeen xildhibaano doorta madaxweynaha.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: