Madaxweynaha Puntland oo dhagax dhigay Buundada Suni-Jiif (sawirro)
Garoowe_ Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray degmada Dangorayo, halkaasi oo lagaarsiyay deeq raashin ah oo ay dowlada Turkigi soo gaarsiisay Puntland.
Madaxweynaha ayaa kahor intuusan gaarin degmada Dangorayo, waxaa uu dhagax dhigay buundada marta deegaanka Suni-jiif ee gobalka nugaal, kadib markii ay jareen roobaabkii ka da,ay deegaankasi.
Madaxweyne Cabdiweli oo lahadlay bulshada kunool deegaanka Suni-jiif ayaa usheegay in dowladu ay ku dadaali doonto sidii dib loogu dhisi lahaa buundada, oo uu sheegay inay halbowle utahay isku xirka gobalada dalka.
Wafdiga uu hogaaminayay madaxweyne Cabdiweli ayaa intaasi kadib gaaray degmada Dangorayo ee gobalka Nuugaal, waxaana uu madaxweynuhu goob joog ka ahaa mucaawino ay dowlada Turkigu ugu deeqday dadkii ay dhibaateeyen roobabkii duufaamaha watay.
Madaxweyne Cabdiweli Gaas ayaa usoo jeediyay Dowlada Turkiga inay sii ballaariso kaalmada ay siinayso shacabka Puntland, waxaana uu madaxweynuhu intaasi raaciyay in Turkiga ay ka doonayaan inay gacan kasiiso horumarinta deeganada Pl.
Turkiga ayaa muddoyinkii dame waday taageero uu siinayo Soomaliya, inkastoo deeqda uu bixiyo ay ku koobneed magaalada Muqdisho, waxaase laga dhowr sugayaa sida unoqdo xiriirka ka dhaxayn doona Turkiga iyo xukuumada cusub ee Pl.
Comments
comments