Madaxweynaha Puntland oo digniin u jeediyay Somaliland
Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ed Max’ud Faroole ayaa digniin u jeediyay Somaliland oo ay ku muransanyihiin lahaanshaha maamul ee gobollada Sool iyo Sanaag.
Faroole ayaa ku tilmaamay Somaliland inay hawlo shidaal baaris ah u saxiixeen shirkado Ajnabi ah kuwaasoo hawlahaas ka wada qaybo kamid ah deegaannada lagu murunsanyahay.
“Waa uga digaynaa Somaliland inaysan isku hawlin inay shidaal ka baaraan dhul aysan lahayn arrintaasi Fitmo ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri Faroole.
“Deegaamo aysan lahayn iyo dhul aysan lahayn nina awood uma siin karo Shirkado Batrool ka baaraan kana shaqeeyaan…””ayuu sii raaciyay.
Comments
comments
Category : Featured, Wararka Maanta.