Madaxweynaha oo la kulmey wasiirka arimaha dibadda Iiraan – Sawiro
Wasiirka arimaha dibadda wadanka Iiraan ayaa booqasho ku yimid magalada Muqdisho halkaas uu kulamo kula qaatey madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan xukuumadda.
Wasiirka Ali Akbar Salahi waxa uu garoonka diyaaradaha ee magalada Muqdisho kusoo dhaweyay wasiiro ka tirsan xukuumada Sooomaaliya iyo madax kale oo dowlada, waxana loo galbiyey xarunta madaxtooyadda.
Madaxweynaha dowlada Xasan Sheikh Maxamud iyo wasiirka arimaha dibadda Ali Akbar ayaa kulan ku yeeshay Villa Soomaaliya oo uga hadlen xiriirka labada wadan ay leehyihiin iyo sida loo sii xoojin karo.
Shir jaraa’id ayaa wasiirka arimaha dibadda Iiraan iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ku wada qabteen xarunta Villa Soomaaliya markii u ushirka soo gaba-gaboobay.
Wasiirka arimaha dibadda Iiraan Cali Akbar ayaa balanqaaday in dowladiisa ay dib u furan doonto safaradii ay ku lahayeen Soomaaliya oo u sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan u furi doonaan.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa aad uga mahadceliyey taagerada ay wadanka Iiraan u sameysay dalkiisa iyo gurmadkii ay ka geysatey macluushii sanadkii hore ka dhacay wadanka Soomaaliya, isagoona xusay inuu rajeynayo in xiriirkaasi ay sii adkeeyaan.
[slidepress gallery='wasiirka-arimaha-dibadda-iiraan-oo-booqday-muqdisho']
Comments
comments