Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llaahi Aadan Tiiceey oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed C/llaahi Aadan Tiiceey oo maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka warbixiyey Safar uu dhawaan ku tagay Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya.
Wuxuu sheegay in halkaasi ay kula soo kulmeen dadka daneeya arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale waxgarad ka soo jeeda gobollada Hiiraan, Mudug, Galguduud iyo Shabeelaha dhexe kuwaas oo sida uu sheegay ay kawada hadleen sidii loo midanayn lahaa gobolladaasi wuxuuna xusay in arrintaasi ay meel wanaagsan u marayso.
Maxamed C/llaahi Aadan Tiiceey Madaxweynaha Maamulka Ximan Xeeb mar aan wax ka weydiinay shirkiisa jaraa’id qaabka loo midayn karo gobolladaasi ayaa wuxuu sheegay in wax dhibadan aysan ahayn in la mideeyo gobolladaasi isagoo hoosta ka xariiqay in mideyntu ay soo deg degayso haddii gobol walba uu dantiisa ka hor mariyo tan caamka ah, waxaana saldhig u ah buu yiri Midnimo.
Madaxweyne Tiiceey ayaa hadalkiisa wuxuu imaanayaa xilli is qab qabsi maamul uu ka jiro Gobolka Hiiraan oo in ka badan sadex maamul ay ka jiraan waxaana sidoo kale Dowladda KMG Soomaaliya ay ku guuleysan weysay in maamulladaasi ay meel isugu keento ama hal maamul ay u sharciyeyso, macadda qaabka maamulka Ximan iyo Xeeb uu u wajahayo arrintaasi.
xafiiska wararka bartamaha muqdisho
Comments
comments