Madaxweynaha maamulka Somaliland oo ka hadlayay munaasabada 26-ka bisha June ay tahay maalin qima weyn ku fadhisa.
Madaxweynaha maamulka Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ka hadlayay Munaasabada 26-ka bisha June oo ku beegan markii ay xurriyadda qaateyn gobollada Waqooyi Ee dalka Soomaaliya, ayaa hambaliyo u diray dadka reer Somaliland.
Mudane Siilaanyo oo qudbad dheer oo ku aadan munaasabadda 26-ka June iyo taariikhda Gumeysaga warbaahinta uga jeediyay shacabka ayaa tilmaamay in geesiyaal ay naftooda u hureen In la helo xurriyadda hada lagu naaloonayo.
Siilaanyo waxa uu ugu danbeyn ka hadlay ahmiyadda ay nabaddu u leedahay shacabka, isagoo Ugu baaqay in ay xil iska saaraan adkeynta ammaanka iyo xasiloonida Somaliland.
Xuska 26-ka June oo ku beegan markii ay xuroobeen gobollada Waqooyi ee dalka Soomaaliya, Ayaan si isku mid ah looga xusin gobollada Waqooyi ee Somaliland, iyadoo la soo sheegayo xaflado si teel teel ah uga dhacay gobolladaasi.
Inkastoo loga baran xuska 26 june dadka rer Somaliland iyo madaxduba ayaa marwaliba sheegi Jiray iney tahay malinta ay xoriyada qaateyn 18 may intabadan maanta lagama xusin 26 june Deeganada ay gacta ku heyso maamulka Somalilandmarka laga reebo madaxweyne siilaano oo Hanbalyo u diray shacabka somaliland.
Xafiiska wararka bartamaha : muqdisho
Comments
comments