Calendar

Madaxweynaha Liibiya Mucamar Al-Qadaafi ayaa Xaq u dirir ku tilmaamay raga caalamka ay ugu yeeraan Burcad Badeeda Soomaliya.

qadaafi2Bartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha Dowlada Liibiya Mucamar Al-Qadaafi oo ka hadlayay kulanka Wadamada Saaxil Iyo Saxaraha ayaa si kulul waxa uu u difaacay kooxaha Soomaalida ah ee maraakiibta ku afduubta xeebaha dalkooda.

Col.Mucamar Al-Qadaafi oo ah madaxweynaha dalka Liibiya ayaa sheegay in dhalinyarada soomaalida ah ee afduubka kula dhaqaaqa maraakiibta maraysa xeebaha soomaaliya ay yihiin kuwa xaq u dirir ah isla markaasina ay difaacayaasha dalkooda lagu tilmaami karo.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in xeebaha soomaaliya ay isku haystaa wadamada Reer Galbeedka ah sidii ay khayraadkooda u guran lahaayeen isla markaasina ay maraakiibta dagaalka ee xiligan dhooban xeebtaasi ay yihiin kuwa dhac ka wada Badda Soomaaliya.

Col.Mucamar ayaa sidoo klae sheegay in maraakiibta la afduubta ay badankood leeyihiin wadamada isku haya dhaca Xeebaha soomaaliya ee sida shaeci darada ah u guranaya Khatraadka aan yarayn ee ka socda Badda Illaalada weysay Ee Soomaalia.

Ugu danbayntii Hogaamiyaha Jamaahiiriyada Liibiya ayaa ku baaqay in la joojiyo Ereyga Burcad badeeda ee loo isticmaalo Naftood hurayaasha xeebaha soomaaliya ka difaacaya kuna canaantay wadamada Reer Galbeedka ah ee guranaya khayraadka dalka soomaaliya.

Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com,

Muqdisho-Somalia

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: