Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo sheegay in la soo afjaray howl galkii Westgate
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo goor dhow shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in la soo afjaray howl galkii afarta maalmood ka socday Xarunta ganacsiga ee Westgate, halkaasoo dabley hubeysan ay Sabtidii gudaha u galeen, iyagoo dilay dad ka badan lixdan ruux oo ay ku jireen ajaaniib.
Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in shan ka mid ah kooxihii dableyda ahaa la dilay, halka gacanta lagu dhigay ilaa 11-ruux oo laga shakisan yahay.
“Ma ahan wax fudud, qasaaraha na soo gaaray waa ballaaran yahay, waxaa ku dhawaaqayaa saddex cisho oo baroor diiq ah. dhamaan calanka ayaa hoos loo dhigayaa”ayuu yiri Uhuru Kenyatta oo Telefishinka kala hadlay shacabka Kenya.
Waxaa uu sheegay inay ka guuleysteen kooxihii weerarka qaaday, isla markaana dalka uu ammaan yahay, isagoo intaa ku daray in dadka reer Kenya ay mideysan yihiin.
“Walaalaha reer Kenyanka ahow dhaawac xun ayaa na soo gaaray, waxaa dareemeynaa xanuun iyo dad qaali aan weynay, waxaa nahay geesiyaal, waxaa naga go’an inaan horay u socono, waa guuleysanay”ayuu yiri Madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Inkastoo Madaxweynaha Kenya ku dhawaaqay in la soo afjaray howl galka, hadana waxaa wali adag in warar laga helo dhismaha Westgate oo ciidamada ku sugan yihiin, waxaana goor sii horeysay laga maqlayay rasaas.
Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegay inay wadaan howl galo ay ku baarayaan dhismaha oo dhan, isla markaana howl gal la soo afjaray.
Xarakada Al-Shabaab ayaa fariimo qoraalo ay soo dhigtay Twitter-ka ku sheegatay in wali dhismaha ay ku sugan yihiin xoogaga hubeysan.
Hey’adda Bisha Cas ayaa sheegtay in ilaa kontameeyo ruux la la’yahay, isla markaana dhimashada ay ka badan tahay 62-ruux.
Comments
comments