Madaxweynaha Kenya oo loo gudbinayo Warbixino la xariira Dilkii Shekh Caboud Rogo
Kooxdii gaarka ahayd ee loo saaray Baaritaanka dilkii loo gaystay Sheekh Cabuud Rogo ayaa lagu wadaa in warbixintii natiijadii baaritaankooda ay ku wareejiyaan madaxwayne Dalka Kenay Uhuru Kenyatta .
Gudoomiyaha kooxdani gaarka ah ee baaraysay dilka Rogo ahna ku xigeenka dacwad soo oogaha guud ee dalka Jocob Ondari ayaa sheegay inay haatan ay soo gabgabeeyeen Baaritaankooda, ayna warbixinta ku wareejin doonaan madaxwayne Kenyatta .
Sh Cabuud Rogo ayaa waxa 27 kii bishii August ee sanadii aanu soo dhaafnay ku dilay gudaha Magaalada Mambasa rag hubaysan oo aan heebtood la aqoonin.
Ilaa hada majirto cid loosoo qabtay Dilka wadaadka caanka ka haa magaalada Mombassa waxaa marar badan ay dowlada Kenya iyo Maraykankaba in uu Xirir la leeyahay Kooxaha Argagaxisa caalamiga ah iyo waliba Dhaqdhaqaaqa AL-Shabab ee dagaalka xoogan kula jira Xukuumada Soomaaiya.
Dilka Wadaadkan kadib ayaa waxa Magaalada mambasa ee gobolka Xeebta ka dhacay Rabshado looga soo horjeedo dilkii Sheekhaas.
Sh. Cabuud Rogo ayaa waxa intii aan la dilin ka hor dhowr jeer la soo taagay maxkamada isaga oo loo haystay dacwado la xiriira fallal argagixiso iyo inuu xiriir la lahaa xarakada Al shabab Ee ka dagaalanta Bariga iyo bartamaha Soomaaliya.
Comments
comments