Madaxweynaha Jubbaland oo si kulul u weeraray dawlada Soomaaliya
Kadib markii ay soo baxeen wararka sheegay in go’aamo laga soo saaray shirkii madaxda gobolka uga socday magaalada Kampala ayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) uu weerar dhanka afka ah ku qaaday dawlada federaalka ee Soomaaliya.
Axmed Madoobe oo ka hadlayay dalabka ay dawlada Soomaaliya laga diiday ee ahaa in ciidamada Kenya laga saaro Jubbooyinka ayuu sheegay in la wada garanayo cida AMISOM u baahan joogiteenkeeda inay tahay Dawlada.
” Amisom dalka hadii laga saarayo diyaar ayaan u nahay, waase la yaqaanaa cidda taangiga AMISOM xamar ku waardiyeeyo, oo madaxtooyadii xataa ammaankeedii sugi la’” ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.
Axmed Madoobe ayaa sidoo kale ku goodiyay inay iska dhicin doonaan Alshabaab iyo dawlada labadaba oo uu sheegay inay ka wada shaqaynayaan sidii loo khalkhal galin lahaa amniga gobollada Jubbooyinka.
Hogaamiyaha Jubbaland ayaa sidoo kale qaadacay go’aamadii kasoo baxay shirkii ka dhacay dalka Uganda oo ay ka qaybgaleen madaxda wadamada Somalia,Uganda, Kenya iyo Ethiopia.
Comments
comments