Madaxweynaha Jubbaland oo shaaciyay inaysan waxba ku gaarin weerarkii maanta lagu qaaday
Madaxweynaha Jubbaland oo daqiiqado ka hor shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu badqabo oo aysan jirin wax kasoo gaaray weerar ismiidaamin ahaa oo lala beegsaday gawaari kolonyo ah oo galbinaysay.
Waxaana uu tilmamaay in weerarkaas uu ahaa mid argagixiso oo la doonayay in lagu khaarajiyo balse uu ka badbaaday uuna sii wadan doono shaqadii uu u hayay dadweynaha ku nool gobollada Jubbooyinka.
Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo soo saaray warsaxaafadeed uu kaga hadlayay weerarka lagu qaaday Axmed Madoobe ayaa ku tilmaamay weerarkaas inay ka dambeeyaan dhagarqabayaasha isagoo ka dalbaday dadweynaha Jubbooyinka inay garab istaagaan hogaankooda iyagoo isku duuban ayna diidaan argagixisada.
Warar horay noo soo gaaray ayaa sheegayay in Axmed Maxamed Islaan uu ku dhaawacmay weerarka balse waxaa haatan cadaatay in arrinkaas uusan waxba ka jirin.
Comments
comments