Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia oo safar ku tagay Dalka Tansaaniya
War Saxaafdeed
(Dar Es Salaam, Tansaaniya , Abril,16,2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somalia Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa safar qorsheeysan ku gaaray Dalka Tansaaniya.
Madaxweynaha ayaa waxaa si heersare ah ugu soo dhaweeyey garoonka diyaaraddaha ee Julius Nyerere International Aiport Madaxweynaha dowladda Tansaaniya mudane Jakaya Mrisho Kikwete iyadoo halkaas loogu sameeyay munaasabad ay ka soo qeyb galeen, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dad weyne aad u faro badan Madaxweynaha ayaa waxaa loo tumay astaanta qaranka Soomaaliyeed waxaana loo riday 21 madfac.
Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Mudane Axmed Cali Yaqle .
Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu la kulmay Talliyaha ciidamada dalka Tansaania Mudane Gen. Davis Mwamunyange. Muhiimada kulankaan ayaa waxeey aheyd sidii amniga dalka Soomaaliya dib loogu soo celin lahaay , iyo sida kooxda argagixisada ee Alshabaab/Alqaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen dalka looga saari lahaay.
Sidoo kale caawa ayaa waxaa kulmay Labada Madaxweyne waxayna ka arinsadeen habka Soomaaliya loo caawin lahaa, iyo in xasilooni waarto ay ka dhalato. Kadibna waxeey qudbad kooban ka jeediyeen goobtii ay cashada ka dhaceeysay oo aheyd madaxtooyada dalka Tanzania. Waxeeyna isku raaceen in la sii xooji xiriirka labada dal. Lagana kaalmeeyo dowlada Soomaaliya xaga tababarka shaqaalaha iyo weliba ciidamada.
Madaxweynaha Tansaaniya ayaa halkaas ka sheegay in uu diyaar u yahay marwalbo in wuxuu awoodo uu uqabto ummadda Soomaaliyeed iyo in Shabaab iyo burcad baddeeda ay khatar ku yihiin calaamka.
Malik Abdalla
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha
Muqdishu, Somalia
Comments
comments