Madaxweynaha Jabuuti oo dhaliilay qaab dhaqanka Islaamiyiinta Mucaaradka Soomaaliya.
Bartamaha(Djabuti):-Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa si kulul u weeraray qaabka ay u shaqeeyaan Islaamiyiinta Mucaaradka Soomaaliya ee dagaalada ka wada dalka.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ayaa Bulshada Soomaaliyeed Ciida ugu hambalyeeyay isagoo dhaliilay qaabka ay u shaqeeyaan Islaamiyiinta dalka Soomaaliya oo dagaalo aan dhamaad lahayn ka wada gudaha Dalkaasi.
Ismaaciil Cumar Geele ayaa waxa uu sheegay in Kooxaha Islaamiyiinta ay yihiin kuwa aan umada u naxaynin oo wada dagaalo iska soo noqnoqday oo aan dhamaad lahayn dhibaatada badana umada ay ka soo gaartay.
Mr.Geele ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in la taageerto Dowlada Soomaaliya maadaama ay dhib badan u soo martay sidii ammaanka ay u hanan lahayd balse ay ka tag roonaadeen Kooxo isbiirsaday.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments