Madaxweynaha Hiran State oo iskaashi ugu baaqay Gal-Mudug iyo Puntland.
Bartamaha (Nairobi):- Madaxweynaha Dowlada Goboleedka Hiiran State ayaa ugu baaqay Maamulada Gal Mudug iyo Puntland in ay iskaashi la sameeyaan maamulkiisa Hiran.
Madaxweyne Maxmuud Cabdi Gaab oo Xalay hadal ka jeedinayay Munaasabad ka dhacaysay Magaalada Nairobi oo dhalinyaro ay ku maamuusayeen Sanad guurada 5-aad ee Gal Mudug ayaa waxa uu madaxweynaha baaq u jeediyay maamulada Gobolada.
Maxamuud Cabdi Gaab oo hadal ka jeediyay Munaasabada waxa uu daaha ka rogay in Maamulkiisa uu gacan saar wayn la yeelan doono Gal-Mudug iyo Maamulka Puntland iyo sidoo kale maamulada kale ee soomaalida.
Madaxweyne Gaab waxa uu dadka ka soo kala jeeda Hiiraan,Galmudug,Puntland iyo Ximin iyo Xeeb ka codsaday in ay ka shaqeeyaan Nabada isagoo sheegay in ay somalia nabad noqon doonto haddii deeganadaasi ay iskaashadaan.
Ugu danbayntii hadalka madaxweynaha ayaa wax uu ku soo afmeeray Hambalyo uu gaarsiinayay dadka ka soo jeeda Gal Mudug State oo xalay samaysanayay munaasabadii 5-aad ee ka soo wareegtay Xuska aas aaska Maamulkaasi.
Sawiro:-
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
Comments
comments