Madaxweynaha Galmudug Oo Sheegay Shirka ka socda magaaladda Muqdisho in ay ka soo bixi karaan waxyaabo badan oo soomaalida dan ugu jirta.
Muqdisho (www.Bartamaha.com):-Madaxweynaha maamulka Galmudug oo qayb ka ah madaxda shirka ka wada tashiga ka qayb galeysa ayaa sheegay shirka maalintii labaad ka socda magaaladda muqdisho in ay rajeenayan in ay ka soo baxaan waxyaabo dan ugu jira Soomaalida
Cornel Maxamed Axmed Caallin ayaa khudbad ka jeediyay furtitaanka shirka shirka ayaa waxa uga mahad celiyay madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif qabashadda shirka loogu magac daray watashiga.
Caallin ayaa sheegay in maamulka Galmudug uu ka tirsan yahay dowladda Soomaaliya islamarkaana uu la qaybsanayo wax walbo oo wanaag ah waxa uu intaa raaciyay in ay Soomaaliya haysato fursadii ugu qaalisaneed ee muddo labaatan sano ah soo marta taasi oo uu sheegay in ay ku soo aaday xilli dalka uu u baahan yahay in loo wada istaago sidii looga samata bixin lahaa mushkilada uu muddada ku jiray.
Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa tilmaamay in shikaan uu ka turjumayo in Soomaalida ay iyadu aayaheeda ka tashan karto, isagoo intaa raaciyay in laga fogaado wax walbo oo dib u dhac keeni kara.
Si kastaba, waxa uusan Madaxweyne Caalin ka hadlin dagaaladii ka dhacay magaaladda Gaalkacayo oo ay ku dhinteen 30-qof halka 100 kalena ay ku dhaawacmeen.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments