Calendar

Madaxweynaha Gal-Mudug oo soo dhaweeyay Xasiloonida Magaalada Gaal-Kacyo.

Galmudug_armsBartamaha(Muqdisho):-Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug ayaa soo dhaweeyay dagananshaha magaalada Gaal-Kacyo iyo dadaalka ay wadaan waxgaradka Gobolkaasi.

Madaxweyne Col.Maxamed Axmed Caalin oo la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in Magaalada Gaal-Kacyo dagaalkii ka dhacay uu ka xunyahay balse uu soo dhaweynayo daganaanshaha magaalada.

Madaxweynaha ayaa dalbaday in Madaxda Puntland iyo Gal-Mudug in ay ka qeybqaataan kulamada hishiisiinta ah islamarkaana ay ku dadaalaan wada noolaanshaha iyo dagananshaha Gaal-Kacyo.

Madaxweyne Caalin ayaa sheegay in khilaafka illaa xad xal laga gaaray islamarkaana uu socanayo dadaal xoogan sidii loo joojin lahaa dagaal kale oo dhexmara labada dhinac ee magaalada.

Xaalada Magaalada ayaa u muuqata mid dagan iyadoo ay socanayaan dadaal xoogan oo xal looga dhlinayo dagaaladii dhexmaray Puntland iyo Gal-mudug iyadoo shirar looga hadlayo ammaanka ay socanayaan.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: